X

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somalia Ansixinta Baarlamaanka Kadib Maxaa Laga Filayaa

Mogadishu(ANN)Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa codka kalsoonida siiyay Raysal Wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kadib markii dhowaan loo magcaabay xilkaa.

 
Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo Madaxweyne Xasan Sheekh goob joog ka ahaa, waxay mudanayaashu cod gacan taag ah ku ansixiyeen Raysal wasaaraha cusub, waxaana codkooda siiyay 218 Xildhibaan oo ka mid ahaa 224 Xildhibaan oo fadhiga kasoo xaadiray, balse 6 ka mid ah Xildhibaanada, ayaa debeda uga baxay fadhiga, kuwaas oo Guddoomiyaha Baarlamaanku xisaabiyay inay ka aamuseen, iyadoo aanay jirin cid diiday.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Caydiid Ilaka-xanaf, ayaa Baarlamaanka hortiisa ku dhaariyay Raysal wasaaraha cusub markii la anixiyay.
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa la filayaa inuu saacadaha iyo maalmaha soo socda ku dhawaaqo xukuumadda cusub ee laga filayo, taas oo la saadaalinayo inay xubnaha khusuusiga ah ee hore Madaxweyne Xasan Sheekh u danaynayay, kuwaas oo laga filayo Cumar Cabdirashiid inuu liiska golihiisa Wasiiradda xagga hore kaga soo daro, balse waxa la saadaalinayaa sida ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dabada ku hayo siyaasado kala duwan isula jaan-qaadaan, iyadoo wax baddan kala caddaanayaan marka Raysal wasaaraha cusub soo dhiso dawladiisa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post