X
    Categories: Warar

Raysal wasaaraha Britain David Cameron Oo U Digay Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub

Araweelo News Network

David Cameron

London(ANN)Raysal wasaaraha Britain David Cameron, ayaa uga digay hogaamiyayaasha Midowga Yurub in Britain aanay ku deg degi doonin wadahadalada inay ka baxdo Midowga Yurub, isagoo dhinaca kale si cad u sheegay in go’aanka shacbigu soconayo oo Aftidu si buuxda u meel maray.

Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ka hadlo baarlamaanka tan tan iyo markuu sheegay inuu is casilay, ayuu ku sheegay inay tahay in raysalwasaaraha badalaya inuu go’aan ka gaadho xiliga la bilaabayo ka bixida Midowga Yurub.

Wuxuu baarlamaanka u sheegay, inay tahay in Britain ay go’aan ka gaadho xidhiidhka ay rabto inay la yeelato Midowga Yurub, ka hor inta aanay bilaabin ka bixida Midowga Yurub

Dhinaca kale Haweenayda hoggaamisa Jermalka Angela Merkel iyo Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in ay si dhamaystiran uga heshiiyeen sidii loo maarayn lahaa go’aanka Britain ay kaga baxday Midawga Yurub.

Hollande ayaa ka digay in “kala qaybsanaantu ay horseedi karto kala qoqobnaan, mucaarad iyo muran.

Bixitaanka Midawga Yurub ee Britain ayaa saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed yeelatay, waxaana hoos si weyn ugu dhacday Lacagta Giniga loo yaqaanno ee Britain, taas hoos u sii dhacday subaxnimadii hore ee Isniinta markii la furay suuqyada saamiyada ee Aasiya.

Hase yeeshee Xoghayaha maaliyadda ee Britain, George Osborne ayaa qoraal uu soo saaray intii aan suuqyada Britain furmin ugu baaqay in daganaan la muujiyo, isagoo sheegay in UK ay diyaar u tahay inay waajahdo mustaqbalka oo uu ku tilmaamay in uu wanaagsanaan doono in kasta oo uu aqbalay in uu culays jiri doono

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post