X
    Categories: Warar

Raysal-waaraha Turkiga Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Oo Jawaabo Ka Bixiyay Qarax Ay Ku Dhinteen Dalxiisayaal U Dhashay Jarmalka

Araweelo News Network

Ankara-Istanbul(ANN)Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip , ayaa xaqiijiyay in qarax maanta ka dhacay Fagaaraha Al-Suldaan ee Badhtamaha suuqa qadiimka ah ee Stanbuul ay ku dhinteen dad gaadhaya 10 qof.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay inta baddan tagaan dadka dalxiisayaasha ee reer galbeedku, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, iyadoo dhawr iyo kale ku dhaawacmeen. sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee stanbul.

Qofka isku qarxiyay goobta, ayaa la aqoonsaday inuu ka yimi dhinaca dalka Suuriya, kaasoo qaraxa u adeegsaday suumaanka ay qaraxyada u isticmalaan naftood hurayaashu.

ma jirto cid sheegatay qaraxaa ilaa hadda, balse waxa lala xidhiidhiyay kooxaha dagaalada kula jira dawlada Suuriya inay ka danbeeyeen, iyadoo sanadkii hore qaraxyo sidan oo kale ah ka dhaceen Turkiga.

Dhinaca waxa la xaqiijiyay in dadka weerrarka ku dhintay u badnaayeen dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka, iyadoo qaraxa kadib Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo ku tilmaamay weerarka wax aad u xun oo laga murugoodo.

Xukuumadda Jarmalku waxay uga digtay dadkeeda inay ka taxadirsan goobaha dalxiiska ee ay dalxiisayaashu kusoo ururaan si aanay weerarro sidan oo kale ah ula kulmin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post