X
    Categories: Warar

Raxmaadka Alleh Oo Afka Jebiyay Abaartii Kadib Roobab Mahiigaana Oo Ka Curtay Jubbooyinka Iyo Goboladda Dhexe Ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Somalia(ANN)-Raxmaadka Alleh Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Jubbooyinka,galguduud iyo Shaberlada dhexe ee Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Jubba dhexe ayaa sheegaya in roobab saacado badan qaatay ay ka da’een inta badan degmooyinka Jubbada dhexe, gaar ahaan dhulka Miyiga ah ee degmooyinka Bu’aale,Jilib Saakoow iyo salagle.

Sidoo kale roobabku waxay ka da’een degmooyinka Mahadaay, Ceelbaraf iyo tuulooyin dhowr ah oo dhammaantood katirsan gobolka shabeelaha dhexe, sida ay dadka deegaanka sheegeeyeen roobabka oo biya dhigay waddooyinka ayaa ahaa bilaawga xilliga Guga oo curtay, dadka iyo duunyada ayaa ku qaboowsaday roobabka Guga oo si rasmi ah u Curtay.

Dhinaca kale ramadda Alleh ayaa ku hoortay deegaanka Towfiiq ee hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud Badhtamaha Soomaaliya oo ka mid ahaa deegaamada sida Xun Abaartu u saamaysay.

Roobabka ka curtay dalka Soomaaliya ayaa Farxad gelinaya malaayiin qof oo dad iyo duunyaba Abaartu saameyn ba’an ku reebtay, iyadoo inta badan Dadka Xoolaha Dhaqan jiray ku caydhoobeen Abaarta daba dheeraatay.

Raxmaadka Alleh ee ka hoortay gobollada dalka ayaa ka dhigan faraxad weyn oo Bulshada soomaalida ay u riyaaqeeen marka loo eego harraadkii iyo diiftii ka dhalatay Abaartii baahsanayd ee dad iyo duunyaba galaafatay, iyadoo Roobabka ka da’ay gobollo katirsan dalka Soomaaliya kusoo beegmeen xilli Abaartu si weyn u saamaysay noolaha inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya Iyo Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Balse dhinaca Somaliland oo Abaartu kusoo horaysay marka loo eego geyiga Soomaalidu degto, ayaan weli waxba iska bedelin Xaalada Walaw deegaamo kooban Raxmaadka Alleh Ka Curtay dhowaan, balse Xaalada ayaa weli ah mid cakiran, gaar ahaan gobolada Bariga, iyadoo boqolkiiba 80% xoolihii dhinaca Somaliland dhamaadeen, Isla markaana xaaladu kasii darayso marna marka Ka danbaysa, gaar ahaan gobolada Bariga Somaliland oo Abaartu kusoo horaysay, kuwaas ku waayay Abaarta xoolohoodii, xiligan ay khatar ku jirto Nolosha kumanaan Qoys oo aan haysan waxay Quutaan Iyo Hoy toona.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post