X

Raila Odinga Oo Sheegay In Kooxo musuqmaasuqi Doonayaan In Ay Gacanta Ku Dhigaan Dawladda Kenya

The two leaders Raila Odinga and William Ruto, Image Araweelo News Network, 9 August 2022.

Araweelo News Network.

Nairobi(ANN)-Raila Odinga oo lagaga adkaaday tartankii doorashada Madaxweyneha ee Kenya, ayaa Maxkaamdda Sarre u gudbiyay dacwad la xidhiidha natiijada doorashadii dhacday Kenya August 9, 2022.

Murrashaxa laga guulaystay ayaan weli aqbalin natiijada doorashada, wuxuuna maanta ka dhawaajiyay in kooxo musuqmaasuq ah ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan talada dalka Keneya, wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu maanta warbaahinta la hadlay, kaddib markii uu sheegay in ay maxakamadda u gudbiyeen dacwad la xidhiidha natiijada doorashada.

Laxidhiidha: Guddoomiyaha IEBC Kenya Oo Shaaciyay Qorshayaal Lagu Shirqoolayay Guusha William Ruto

Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya, William Ruto oo isagu ku guulaystay doorashada, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco guushii uu ka gaadhay doorashada, isagoo si badheedha u sheegay inuu maxkamadda ka difaacayo guushiisa.

Natiijada doorashada oo dib u dhac ku yimi ayaa ugu danbayntii guddida doorashooyinku Isniintii lasoo dhaafay ku dhawaaqeen, iyadoo la shaaciyay  guusha Wlliam Ruto oo si dirqi ah kaga adkaaday ninka la tartamayey ee Raila Odinga, isagoo helay 50.5% codadkii la dhiibtay, sida ku cad natiijada rasmiga ah.

Odinga ayaa markii shannaad ku hungoobay tartanka doorashada Madaxweyneha dalka Kenya, waxayna noqonaynsaa fursadii ugu danbaysay ee uu sameeyo isku dayga uu ku doonayo inuu kursiga ku fuulo.

Kenya ayaa marar baddan doorashooyinku ku yeesheen saamayn xun, iyadoo doorashadan ugu danbaysaygacan ka hadal iyo eeddaymo la xidhiidha ku shubasho codadka uu ku tilmaamay  Mr Odinga, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada, wuxuu sheegay in aannu aqbalayn oo marayo dariiqyada sharciga.

Natiijada ayaa sababtay rabshado iyo dabaaldegyo is barbar socda oo dalka hadheeyay, iyadoo Kenya ay hore usoo aragtay doorashooyin natiijadooda dhiig baddan ku daato oo khilaaf iyo rabshado ku dhammaata.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post