X
    Categories: Warar

Raila Odinga Oo Caddeeyey Inuu Dacwad Ka Dhan Ah Natiijadii Doorashada Geynayo Maxkamadda Sare Kuna Baaqay Mudaharaad

Araweelo News Network

Raila Odinga

Nairobi (ANN)- Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Mr. Raila Odinga oo lagaga guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaa,  ayaa markale taageerayaashiisa ugu baaqay inay isugu soo baxaan mudaharaadyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan natiijada doorashadii madaxtinimada ee uu kaga guulaystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Odinga oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi gelinkii dambe ee maanta, waxa uu sheegay inay dadku xaq u leeyihiin inay sameeyaan dibadbaxyo iyo shaqo-joojin.

Sidoo kale Odinga, ayaa caddeeyey inuu Maxkamadda Sare ee Kenya geyn doono dacwad ka dhan natiijadii doorashada madaxtinimada ee lagu dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay, isagoo ku dooday  sheegay in doorashadaas loogu shubay Uhuru Kenyatta, inkastoo Guddiga Doorashadu hore u beeniyeen eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Raila Odinga waxa uu sheegay in mucaaradka uu hoggaamiyo ay hayaan cadddeymo muujinaya in lagu shubtay doorashada.

Xisbiga mucaaradka ee NASA ayaa hore u sheegay aanay tagi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa tilmaamay in gao’aankaas qaateen, “Kadib markii aannu aragnay sida dawladdu ugu cagajugleyneysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayey inay maxkamadda geeyaan dacwad ka dhan natiijada doorashada,” ayuu yidhi.

Goob-joogayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay doorashada ahayd mid u dhacay si xor ah, waxyna ku baaqeen xasillooni iyo in aan qalalaase dhiig ku daato la abuurin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post