X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaarihii Dalka Ethiopia Oo Xilkii Iska Casilay

Araweelo News Network

Ethiopia’s Prime Minister Hailemariam Desalegn (Photo by AFP)

Addis Ababa(ANN)-Rai’sal Wasaarihii dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay xilkii hayay sida lagu baahiyay Telefishanka qaranka Ethiopia.

Lama shaacin sababta ka dambaysa is casilaada Hailemariam Desalegn, balse sida lagu sheegay warka sidoo kale wuxuu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga talada dalka haya ee (Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front.) oo loo soo gaabiyo PRDF.

isacasilaada Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo dhawr Bilood ah ah oo dalkaa ay ka socdeen dibadbaxyo dowladda lagaga soo horjeeday, kuwaas oo intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada oo ah labada Qowmiyadood ee ugu waaweyn Shucuubta Ethiopia.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, iyadoo tiro intaa Ka badani ku dhaawacmeen.

Wariyaha BBC Emmanuel Igunza, oo ku sugan caasimadda Addis Ababa, ayaa sheegaya in toddobadyadii ugu dambeeyay dowladda ay xabsiyada ka siidaysay kumannaan taageerayaasha Mucaaradka ah, balse ay wali dibadbaxyada ay sii socdaan.

Dalka Ethiopia ayaa tan iyo 2015 waxaa ka socday dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa, wuxuu xilkaa hayay tan Iyo 2012.

Halkan ka Akhri:

Ethiopia: Su’aalaha Ka Dhashay Cida Hogaaminaysa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Dalkaa, Dib U Dhaca Aaska Males, Arrimaha Murugsan Iyo Saadaasha Awooda Talada, Falanqaynta Araweelonews

 

Xisbiga haya taladda dalka Ethiopia, ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda., sida ay sheegayso tafaftiraha BBC ee Afrika Mary Harper.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Ethiopia,  ayaa u arkayay rai’sal wasaaraha mid jilicsan oo jahwareersan, ayay intaa ku dartay.

Waxa Jira doodo sheegaya in loo arko iscasillaadiisa Ethiopia oo wiiqanta islamarkana ay xasilooni daro ay soo wajahdo ayaa waxay halis ku tahay guud ahaan gobolka geeska Afrka sida ay wariyaha BBC ee Afrika ku waramayso.

 

Ethiopia waa wadanka ugu da’da weyn dhanka xorriyada waana wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika. Marka laga reebo shan sano oo ay haysteen Taliyaaniga , Ethiopia waligeed lama gumaysan.

Magaalada Addis Ababa ayaa xarun u ah ururka midowga midowga Afrika iyo hay’addo kale oo caalami ah. Xukunkii boqortooyada ahaa ee ka talin jiray dalka Ethiopia, ayaa la afgembiyay sanaddii 1974.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post