X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Danjiraha Turkiga Ee Muqdisho Kala Hadlay Taageerada Ay Siiyaan Soomaaliya

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz Image Villa Somalia 29 Oct 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kala hadlay Safiirka Dawladda Turkiga u jooga Muqdisho sidii ay dawladda Turkigu usii wadi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Somalia kulankaa kaddib oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya. Sida  lagu sheegay qoraalka.

Eng. Rooble ayaa sheegay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka.

“Xidhiidhka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”.

Dhinaca kale qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz uu dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan sidii ay usii wadi lahaayeen inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruudda aan shuruuda lahayn ee dawladdisu siiso Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post