X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo La Kulmay Gudoomiyaha Guddida Midawga Afrika

Araweelo News Network

Nouakchott(ANN)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania kaga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada hadlay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika sidii ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xidhiidhka labada dal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalmood ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika, ayaa lagaga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dedaaladda loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.

—DHAMMAAD—-

*Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post