X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Sagootiyay Michael Keating

Hasaan Khayre iyo Michael Keating

 

Muqdisho(ANN)–Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayte, ayaa kulan sagoooti ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiil uga ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali khayre ayaa Michel Keating uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay, wuxuuna  guddoonsiiyay haddiyado ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waan kuu ognahay dareenkaaga xooggan ee aad u hayso Soomaaliya iyo fahamkaaga ku aaddan ajandaheenna dib u habayneed, gaar ahaan dib u habaynta dhaqaalalaha. Taageeradaada waxa ay qayb ka qaadatay isbedelka muuqda ee dalka, waxa aan kuu haynaa xushmad ballaadhan”, ayuu ra’iisal wasaare Khayre ku yiri yidhi Michael Keating.

Halkan Ka  Akhri: Michael Keating: Ergayga Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaalida Oo La Filayo In Xilka Laga Qaado

Michael Keating ayaa Ra’iisal wasaare Xassan Cali Khayre ku ammaanay doorka wanaagsan ee hoggaamineed iyo isbedelka muuqda ee ay la timid xukuummadda uu hoggaamiyo.

“Soomaaliya iyo Soomaalidu aad ayay u nasiib badanyihiin maadaama aad ra’ii wasaare u noqotay. Waxaa kaa go’an wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya. Anigana nasiib ayaan leeyahay sababta oo ah dalkaan ayaad ra’iisal wasaare ka noqotay intii lagu guda jiray xilligii aan ahaa wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaaliya. Maamulkaagu waa astaan ku dayasho mudan, anigana Shaqsi ahaan waan kugu ammaanayaa hawshaas wanaagsan”.

Michael keating oo dhamaysatay xilli hawleedkiisii Soomaaliya ayaa waxaa xafiiska ka bedelaya ergayga cusub ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay, António Guterres, usoo wakiisho arrimaha Soomaaliya.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post