X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo kulan Soo Dhowayn Ah U Sameeyay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Kasoo Laabtay Jidka Tahriibta Liibiya

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan soo dhawayn iyo dhiirigalin ah gurigiisa ugu sameeyay dad tahriibayaal ah oo go’aan saday in ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, Kuwaas oo ay xukuumaddu ka soo qaaday dalka Liibiya maalmihii lasoo dhaafay.

 

Ra’iisal Wasaare Khayre, waxaa  kulankaa oo ahaa qaddo ah ku waheliyay Wasiiradda Wasaaradaha Amnigga, Arrimaha Gudaha, Dastuurka iyo sidoo kale Wasiir dawlaha Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya.

 

Soo dhawayn Ka dib Ra’iisal Wasaaraha,  ayaa dhalinyaradda ka dhagaystay warbixin ku saabsan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Xabsiyadda iyo gudaha dalka Liibiya iyo sida loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed dalka dibadiisa. Iyagooona madaxdii ka soo qabgashay kulanka ka codsadayn in ay ka caawiyaan sidii loo xalin lahaa cabashooyinkooda gaarka ah.

 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ugu horayn muwaadiniintan ku soo dhawayay dalkooda hooyo. Waxuuna u balan qaaday in uu xalindoono waxkasta oo ay ka cabanayaan, isagoo sheegay in uu hore u sameeyay guddi ka shaqayn doonta xaladda dadka kasoo laabanaya dalka Liibiya, si loogu abuuro fursado Shaqo, Waxbarasho iyo kuwo Caafimaad.

 

“Waxaan qorshaynay in aan qayb qayb usoo qaadno dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed ee joogo Liibiya iyo guud ahaan dalka dibadiisa. Waxaana farxad wayn noo ah in aan aragno shacabkeena oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

 

Ugu dambayntii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,  ayaa kula dardaarmay dhalinyaradda Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dalkooda, isla markaana ay iska dhaafaan tahriibka wadamada shisheeye, isagoo cadeeyay in aanay jirin meel u dhaanta dalkooda Soomaaliya.

 

DHAMMAAD

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post