X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka

David Malpass iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khay


Washington(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha bangiga adduunka, David Malpass, ayaa kulankoodii labaad sannad gudihiis waxa ay ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Mareynkanka.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo soo gaadhay shebekadda Aaraweelo News Network, kaas oo lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, uu bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada farsamo iyo siyaasadeed ee dowladda Soomaaliyeed uu ka siiyay waddada deynta looga cafinayo dalka iyo qorshaha deyn cafinta kama dambeysta ah.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF, hay’addaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta dalalka saaxiibka la ah Soomaalia ee Washington u tegey ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee IMF iyo Bangiga adduunka. sida lagu sheegay qoraalka oo aan lagu xusin natiijada kasoo baxaday.

David Malpass iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu socday shirkii guga ee IMF iyo Bangiga adduunka waxa ay bishii April 10, 2019 kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen isla magaalada Washington

Dhinaca kalr, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha Talyaaniga Roberto Gualtieri, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xidhiidhka dawladda Talyaaniga dawladda Federaalka ee Soomaaliya,

Roberto Gualtieri, ayaa u sheegay Khayre inay ka go’antahay in dowladda Talyaanigu ka taageerto dib-u-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya looga saaximi lahaa deymaha lagu leeyahay

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post