X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

 

 

Riyadh(ANN)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisal wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post