X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Kormeeray Cusbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka Banaadir

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday Cusbitaalka Banaadir

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Cusbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Cusbitaalka Banaadir

Maamulka Custibaalka Banaadir oo Ra’iisal Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda Cusbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka Cusbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Cusbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada, ayaa bishii labaad ee sannadkan dib ula wareegtay Cusbitaallada Banaadir iyo Martiini, waxaana dhawaan Ra’iiaul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post