X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Ka Qaybgalay Shirka Dawladdaha Taageera Soomaaliya Ee Brussels

Araweelo News Network

Brussels(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay Magaalada Brussels ee Caasimada dalka Belgium-ka si ay uga qaybgalaan shirka lagaga hadlayo Xaalada Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan inta badan Dowladdaha taageera Soomaaliya.

 

Shirkan oo uu guddoomin doono Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa diirada lagu saarayaa wakhtiga kala guurka ah iyo xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM, Isla markaana waxa qodobada lagaga hadlayo ka mid ah sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka Soomaaliya, walaw ay muuqato in aanay dawladda Federaalaka ah ee Soomaaliya xiligan la wareegii karin hawsha Ciidamadda shisheeye ee AMISOM.

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa sheegay shirkaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub uu gogol xaadjh u yahay mid kale oo dhacaya badhtamaha sanadkan.

“Ra’iisal Wasaaraha halkan nabad ayuu ku yimi, wuxuu ka qeyb gelayaa shir arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo isaga uu shir guddoomin doono, si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidamadda Millitariga iyo sidii dalka loogala wareegi lahaa AMISOM.” Ayuu yidhi Amb. Faqi.

Kulan 26-kii bishii ina dhaaftay ee April ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, Beesha caalamka, Wakiillo matalayay Hay’addaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamadda Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.

Midawga Yurub, ayaa hore uguga yaboohay xukuumadda Soomaaliya Malaayiin Dolar Brussels xiligii Xukuumaddii Xasan Sheekh, balse lacagta waqtigaa lagu yaboohay ayaan la ogayn halka ay ku danbaysay, iyadoo xukuumadda Farmaajo sababaha ay ku weyday lacagahaa Lala xidhiidhiyo arrimo musuq-maasuq.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post