X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Maalinta Xoriyadda Dalka Turkiga

Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka qeyb-galay Munaasabad agu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaas.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyay garab istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuu tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yidhi Ra’iisal Wasaaraha.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar, ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba inay taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga

—DHAMMAAD—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post