X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dariiqa Ay Ku Socoto Soomaaliya

Araweelo News Network

 

Maraykanka Iyo Somalia oo heshiis kala saxeexanaya 5 Desember 2017 muqdisho Somalia

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay dariiqa ay maray Soomaaliya, wuxuuna  bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxeexdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.

Sida lagu war Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa lagu  tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xidhnayn.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha.

Khayre, ayaa  sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaadhi doonto dalka oo dhan.

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’addaha ka  shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yidhi Ra’iisal wasaare  Khayre.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post