X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Guddoomiyey Shirka Amniga Ee Caalamku Goob Joog Ka Ahaayeen

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyey shir lagaga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda, iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga,  waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddida Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisal Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku waajahan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota.

Wasaarada Gaashaandhiga, ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

Mudane Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalamo kooxaha argagaxisada sidaa awgeed loo baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah, wuxuuna xusay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ah in  madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military ee ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

Mr. Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyeen in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

—DHAMMAAD—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post