X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Kahyare Oo Ka Hadlay Xaalada Amniga Muqdisho

Araweelo News Network

Khayre

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir lagaga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay’addaha amniga.

Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.

Ra’iisal Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yidhi, “ Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena.

“Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, laakiin waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah haddii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xidhaa, si loo helo cida qaadanaysa mas’uuliyadda dambiga.

“Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga mariyaa haddii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto.

“Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto.” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas’uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.

Ugu dambayntii Ra’iisal Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoosat.

–Dhamaad–

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidh
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post