X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamadda Caalamiga Ah Ee Ku Saabsan Soohdinta Badda

Araweelo News Network

Mogadishu (ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soonaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda Soomaaliya ee Kenya ku murmaysay.

Qoraal saxaafeed uu Cumar Cabdirashiid kaga hadlayo arrintaa, ayaa lagu yidhi, sidan:-

“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaana waxa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yidhi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta Badda, go’aanna ay ka gaarto xuduudda. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaadhay in ay dhageysato dacwadda ka dibna calaamadeyso xuduudda.Ra’iisal wasaaraha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda oo kama dambeys ah uguna baaqay Kenya in ay tixgeliso.

—DHAMAAD

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post