X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Booqday Dadka Waxyeeladu Kasoo Gaadhay Daadka

Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)– Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer ku tegay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta-nabadda, Hodon iyo gooba kale oo roobabkii Muqdisho ka da’ay ay biya dhigeen, isaga oo sidoo kale tegay xarumaha la dejiyay dadka laga soo daad gureeyay goobaha ay biyuhu fariisteen.

Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdeen Wasiirka amniga, taliyaasha ciidanka iyo maamulka Gobalka Banaadir, ayaa waxa uu xog waraystay qaar ka mid ah  dadkii laga soo badbaadiyay xaafadaha ay biyuhu ku rogmadeen, waxa uuna faray guddiga loo xil saaray gurmadka in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu badbaadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay Roobabka.

Wasiirka amniga gudaha XFS, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ka war bixiyay Kormeerka ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Qoysaska dadkii ku dhintay guud ahaan dhibaatada daadadka, waxa uuna sheegay in ujeeda kormeerka uu ahaa in loo gurmado qoysaska roobabku ay dhibaatada u geysteen.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in la sameeyay guddi dhibaatada la tacaala oo saldhiggoodu yahay xarunta maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka.

Mudane Ducaale waxa uu sheegay in ciidanka qalabka sida ay ka qeyb qaateen Badbaadinta Shacabka daadaku kusoo rogmadeen, waxa uuna caddeeyay in ay sii wadayaan howlaha badbaadinta.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post