X
    Categories: Warar

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Oo Ka Walaacsan Inuu Shaqeeyo Heshiiskii Millateriga

Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok holds a press conference at Khartoum International Airport in Khartoum, Sudan on December 08, 2019 [Mahmoud Hjaj/Anadolu Agency]

Araweelo News Network.

Khartuum(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok ayaa qorshaystay inuu xilka iska casilo, haddii ay Millateriga xukunka inqilaabay fulinwaayaan heshiiskii.

Abdalla Handok, ayaa heshiis siyaasadeed la saxeexday millateriga toddobaadkan, balse waxaa heshiiskaa si weyn u diiday Siyaasiyiinta dalka, iyadoo aannay millaterigu xabsiyada kasii deyn siyaasiyiinta dhowaan la xidhay.

Siideynta siyaasiyiinta iyo dad kale oo la xidhay markii dhowaan la agfenbiyay xukuumaddii rayidka ahayd, ayaa qayb ka ahaa heshiiska in xabsiyada laga sii daayo. Laakiin millateriga ayaan weli fulin arrintaa oo sababtay in mudahaaradyadu sii socdaan.

Kooxaha siyaasada ee weli xidhan, ayaa sii geliyay walaac rajada  ra’iisal wasaare Abdalla Handok iyo inuu xilka siihayo, iyadoo ay weli muuqato in aannu taageero ka helin kooxaha siyaasadda, sida laga soo xigtay ilo wareed ku dhow Ra’isal Wasaaraha Arbacadii.

Hamdok ayaa laga sii daayay xabsi-guri, waxaana dib loogu soo celiyay shaqadiisa, kaddib markii ay heshiis wada gaadheenn xubnaha rayidka ee uu hoggaamiyo iyo milliteriga Suudaan bishii Noofambar 21-keeda, iyadoo Abdalla Hamdok muddo afar todobaad ah ku jiray xabsi guri.

Heshiiska cusub, waxaa si weyn u diiday xoogagga iska caabinta, kuwaas oo abaabulay olole mudaaharaad ah.

Mudaaharaadyadii u dambeeyay, ayaa Salaadadii ka dhacay dalka, iaydoo tobanaan kun oo qof isugu soo baxeen badhtamaha Khartoum, kuwaas oo halkudheggoodu ahaa “Lama wadaagi karo, gorgortanna iyo tanaasulna ma jiraan”.

Xaallada dalka, ayaa u muuqata mid weli aan xasiloonayn, waxaana la filayaa in Mudaaharaadyadu ay sii socon doonaan, kuwaas oo hadda u muuqda in ay leeyihiin sansaantii mudaharaadyadii lagaga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Cumar Al-bashiir 2019.

Dalka Suudaan, wixii xilligan hadheeyay kacdoono siyaasadeed oo ka dhashay xukunka Millateriga, iyadoo ay dheertahay collaada ka jirta dalka Ethiopia oo sababtay in Suudaan iyo Ethiopia oo ku muransan dhulka Alfaqsha dagaal dhexmaro.

Siyaasada dalka ee jaahwareerka ku jiray tan iyo markii Madaxweynihii hore Omar Al-bashiir, wixii  ka danbeeyay xilligaa wuxuu awooddi waayay  in uu helo nidaam siyaasadeed oo shaqayn kara, waxayna Suudaan tan  iyo markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Biritain 1956 , waajahday inqilaabyo badan iyo isku day afgambi oo qaarkood guulatsyeen kuwo kalena fashilmeen.

Kacdoonka xilligan ee Suudaan, wuxuu kusoo beegmay dhawr bilood kaddib inqilaabyo xukunka lagula wareegayo iyo iskudayo Afgenbi oo ka dhacay dhawr dal oo Afrika ah, kuwaas oo kala ah Chad, Mali iyo Guinea, balse kacdoonka xilligan ka taagan dalka Suudaan ee lagu dalbaanyo in xulunka lagu soo celiyo gacanta bulshada iyo Millateriga awoodda doonaya in ay kusii haystaan ayaan la la ogayn halka uu dalka u jihaysan doono.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post