X
    Categories: Warar

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Oo Xaqiijiyay In Aanay Haysan Ciidan ka Difaaca Cadawga

Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre


Muqdisho (ANN)- Dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in aanay haysan ciidan millatari ah oo ka difaaca cadawga, sidaa darteedna cid kasta oo cadaw ah waqtigan qabsan karto Soomaaliya.
Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyey kulan lagu qabtay Muqdisho, lana doonayo in qaadhaan loogu ururiyo dhismaha ciidan Soomaaliya yeelato, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya hore u lahayd ciidan xoogan oo aanay jirin cid soo hawaysan karta xilligii dawladdii Siyaad Barre, balse aannu hadda jirin ciidan millatari oo difaaci kara callanka Soomaaliya.
“Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada Afirika oo ah geesinimo iyo dhiirannaan adag oo Ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta AfSoomaaliga ee sannadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii Daba-dheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaruhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo haddii uu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qabsan karo. Waxaannu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Callanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddii aanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayna ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh.”
Waxa kaloo uu sheegay in aannu bulshadu gaadhi karin horumar iyo midnimo haddii aanay lahayn ciidan dhisan oo lagaga baxo waqtiyada adag, isla markaana aannu dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin haddii aanu lahayn ciidan heegan ah, isagoo xusay in sida qudha ee dhibkaas lagaga bixi karo ay tahay isku tashi bulshadu la timaad si loo dhiso ciidan lagula tartamo dalalka la mid ah Soomaaliya.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post