X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Uga Digay Dalalka Jaarka Inay Farageliyaan Doorashada Madaxtinimada

Araweelo News Network

Mogadishu (ANN)- Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharkmarke ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay faragelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan doorashada Soomaaliya.

Sharmarke oo ka mid ah 24 qof oo u tartameysa Madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay waddamada ku deeqay ciidammada AMISOM in aanay uga faa’iideysan kaalmadaasi dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha siyaasadda Soaomaaliya.

”In musharrax gaar ah ay culeyskooda isugu geeyaan si ay u taaageeraan oo ay taageera uga raadiyaan maamul goboleedyada sax maaha. Waxaan ka dalbanayaa in dalalka deriska ah ay ixtiraam u muujiyaan Soomaaliya oo ay faraha naga qaadaan”, ayuu yidhi Cumar cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya, Cumar Cabdirashid Cali, wuxuu ka gaabsday inuu ka hadlo waddamada uu tilmaamay kuwa ay yihiin iyo musharrixiinta ay taageerayaan.

Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in qabsoonta 8 bisha Fberuary.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post