Araweelo News Network

Omar abdirashiidMogadishu (ANN)- Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharkmarke ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay faragelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan doorashada Soomaaliya.

Sharmarke oo ka mid ah 24 qof oo u tartameysa Madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay waddamada ku deeqay ciidammada AMISOM in aanay uga faa’iideysan kaalmadaasi dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha siyaasadda Soaomaaliya.

”In musharrax gaar ah ay culeyskooda isugu geeyaan si ay u taaageeraan oo ay taageera uga raadiyaan maamul goboleedyada sax maaha. Waxaan ka dalbanayaa in dalalka deriska ah ay ixtiraam u muujiyaan Soomaaliya oo ay faraha naga qaadaan”, ayuu yidhi Cumar cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya, Cumar Cabdirashid Cali, wuxuu ka gaabsday inuu ka hadlo waddamada uu tilmaamay kuwa ay yihiin iyo musharrixiinta ay taageerayaan.

Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in qabsoonta 8 bisha Fberuary.