X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Dhoweeyay Maxaabiis Laga Soo Daayay xabsiyada Dalka Hindiya

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)–Ra’iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad, ayaa  garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo ku xirnaa dalka Hindiya.

Maxaabistaa oo dib u helay xoriyadoodii, ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda.

Qaar ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhawaynta maxaabiista ku waheliyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, waxyna si marxaba ku jirto dhalinyarada ugu soo dhaweeyeen dalkooda hooyo.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xidhnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xidhan yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa intii dhalinyaradeena dalka dibadiisa ku xidhanyihiin ma nasandoono, waana soo dayndoonaa. Xukuumaduna waxay ka shaqaynaysaa sidii ay muwaadiniinteeda ugu gurman lahayd, taas oo ah waajib na saaran. ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, oo maxaabiista ku waheliyay safarka ayaa tilmaamay in dhalinyaradan lagu soo daayay heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dawladda Hindiya, kaas oo sahlay in ay dib u helaan xoriyadoodii.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmamay haddii ay gacmaha is qabsadaan shacabka iyo dawladooda, in maalin walba guul iyo horumar wanaagsan samayn doonaan. Sidoo kalena waxuu u hambalyeeyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay guushan, isagoo u mahed celiyay hay’addaha dawliga ah ee ku howlan soo daynta maxabiista Soomalaiyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post