X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Magcaabay Wasiiro Iyo Ku Xugeeno Cusub

Araweelo News Network

Khayre

Muqdisho(ANN)- Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay 1;3 Wasiir, kuwaas oo isugu jira Wasiirro,wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal.

Masuuliyiinta la magcaabay. waxay kala yihiin  6; Wasiir,5; wasiir ku xigeen iyo labo wasiiru dowle,kuwaas oo ka mid noqonaya xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

1. Wasiirrada waxaa ka mid ah Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka,waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.

2. C/Rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

3. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

4. Xasan Macalin Xuseen Wasiirka WA qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
5. Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga,waa Wasiirka ugu da’da yare ee wasaaraddan soo mara,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

6. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada caawa la magacaabay.

7. C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

8. C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

9. Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

10. Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

11. Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

12. C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaadhsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

13. Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..

 

Dhinaca kale Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.

Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9 bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post