X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka

Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Iyo Patritck Shanaha oo ah ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka

Washington(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre’ ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patritck Shanaha.

sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre, waxay ka wada Hadleen madaxda gaashaandhiga Maraykanka iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa  uga mahad-celiyey Dawladda Mareykanka taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuuna xusay in xiligan ay dawladdiisu la tacaaleyso dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada sidaa awgeed ay muhiim tahay in iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada dal.

“Dawlada Maraykanku waxay ka qeyb ahayd dalalkii dadka Soomaaliya usoo gurmaday waqtigii lagu jiray dagaalada sokeeye iyo hadda oo dagaal caalami ah lagula jiro kooxo argagixiso ah, waxaan la kulanay madax uu kamid yahay ku xigeenka Xog-yahaya difaaca Mareykanka oo nagu qaabilay xarunta Pentagonka, waxana ay noo balan qaadeen dib-u-dhiska ciidamadda Soomaaliya in ay door ka qaadanayaan”ayuu yidhi Khayre.

Patrick Shanaha ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka. ayaa Dawladda Soomaaliya ku ammaanay kaalinta fir-fircoon ee ka qaadanayaan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka. Isla markaana uga mahadceliyey door kooda ku aadan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan. Isagoo xusay in Mareykanka ay ka go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Danjiraha dawladda Federaalka  u fadhiya Mareykanka.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post