X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana kulankaa lagaga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macaquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah.

“Soomaaliya diyaar ayay u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida, waana u mahadceliyaa dawladihii martigeliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.Ayuu yidhi, RW Khayre.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Affey, iyadoo ay kulamo kale la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka maalinta bari ahna booqan doonaan magaalada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubbaland.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post