X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Dhegeysiga Dacwad Ka Socotay Maxkamad Ku Taal Muqdisho

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhegeysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, 16 November 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhegeysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, 16 November 2020, Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xidhiidha howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo kormeeray Hay’addaha Garsoorka Gobolka Banaadir, 16 November 2020, Araweelo News Network.

Eng. Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddiisa uu aas-aas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoorka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daacadnimo ku jirto oo ka fog musuq-maasuq iyo eex.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, annigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah”.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garmaql ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post