X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Tayada Ciidamadda

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa boggaadiyey saraakiisha cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuu ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaadhan oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad diyaarka ugu tihiin difaaca dalkiina hooyo, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan cidhibirta argagixisada, waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed’’.Ayuu yidhi Khayre.

Ugu danbeyn, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u xidhay saraakiisha cusub darajooyin, isagoo sheegay in ay wax weyn ka badeli doonaan hannaanka Booliska iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa kaalintii fir-fircooneyd ee ku lahaayeen amniga guud ee dalka.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post