X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dadka Qoxootiga Ah Ee Lagu Xasuuqay Xeebaha Dalka Yemen

Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre


Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

—-DHAMMAAD—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post