X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Arrimaha Gargaarka Bini-aadanimo

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo lagaga hadlayay qorshaha gar-gaarka arrimaha bini-aadanimadda sanadka 2018.

Shirkaa oo ay ka soo qayb galeen dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka Soomaaliya, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tegey ee 2017-ka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aanay wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yidhaahdeen dad gaadhaya 5.4 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii ballaadhiyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post