X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Magaalada Ankara

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayo,  ayaa caawa gaadhay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dawladda Turkiga.

 

Sida lagu sheegay qoraal saxafadeed kasoo baxay xafiiskiisa magaalada muqdisho xalay saqdii dhexe Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa kulan la yeelan doona Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa dalkaas, wuxuuna Khayre sheegay in uu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Ankara, maadaama  sida uu xusay dawladda Turkigu tahay mid si dhow ula socota xaalada Soomaaliya, waxuuna shacabka iyo madaxda dalka Turkiga uga mahed celiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

“Waxaan uga mahed celinayaa walaalahayo Turkiga sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Khayre,  ayaa booqan doona dadkii ku dhaawac may qarixii isgoyska Zoope,  kuwaas oo qayb ka mid ah  la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna indho indheen doonaa xaaladooda caafimaad. Sida lagu sheegay qoraalkaa.

 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,  ayaa madaxda wadanka Turkiga kala hadli doona xoojinta xdhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaallaha iyo ganacsiga iyo waliba sidii loo sii dar dargalin lahaa mashaariicda uu dalka Turkigu ka wado Soomaaliya.

 

—DHAMMAAD—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post