X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka Faransiiska Ugu Baxay Safar

Ra]iisal wasaare Kahayre oo u safray dalka Fanasiiska

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska si uu uga qayb galo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Novembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa lagaga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekada Araweelo News Networ, ayaa lagu sheegay in Shirka sannadkan ay ka qayb gelayaan madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim, ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed. ayaa lagu yidhi, qoraalka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post