X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Daah-furay Xafladda Sanad guuradii Koowaad Ee Xidhiidhka Ururada shaqaalaha Dawladda

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xidhiidhka guud ee Ururada Shaqaalaha dawladda.

xafladaa ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka ururka oo sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galayn Wasiiro, Xildhibaano, Xidhiidhka guud ee ururada Shaqaalaha dawladda iyo qaybaha kale ee bulshadda, ayaa ugu horayntii lagu soo bandhigay waxqabadka xidhiidhka guud oo sanad jirsaday, waxaana sidoo kale la soo bandhigay shakhsiyaadkii howl karnimada muujiyay mudadii uu jiray ururku, kuwaas oo goobta lagu gudoonsiiyay Shahaado sharafyo.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Xil- Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa ka mahad celiyay ka soo qaybgalka Ra’iisul Wasaaraha ee munaasabadan, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyay in ay labalaabaan dadaalkooda, oo ay hormariyaan waayo aragnimadooda iyo khibradooda shaqo si dalka uu hormar u gaadho. Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay madaxda ururada shaqaalaha kala duwan, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa isna ka sheekeyay taariikhda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadafka xukuumadiisu aanu ahayn oo kaliya bixinta mushaaraadka shaqaalaha dawladda, balse uu yahay in ay shaqaalaha qaranka gaadhsiiso in ay awood u yeeshaan qabashada shaqadooda. Wuxuuna bogaadiyay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegayn waqtigii adkaa ay soo mareen.

“Waa in dalkeena uu noqdaa sidii uu ahaan jiray iyo ka siifiican, taasna waxaa inoo sahli kara anagoo dadaal dheeraad ah samayna. Marka waa in aad Indhihiina kala furtaan oo la timaadaan shaqo hufan iyo dhiiranaan.” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaae Khayre ayaa tilmamay in ay Soomaaliya tahay markii ay ugu rajadda wanaagsanayd, Beesha caalamkuna ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan dawladda. Waxuuna ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay in ay mar walba muhiimadda siiyaan danta guud ee dalka.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gobolka Banaadir, waxuuna kula kulmay Gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow), gudoomiye ku xigeenka Amnigga iyo Siyaasadda iyo Xooghaya gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo howlhii ay ku soo kordhiyeen shaqadii ka socotay gobolka Banaadir.

—–DHAMAAAD——

Maxamed Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post