X

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqashadii U Horaysay Ku Tegey Kismayo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Xilligan

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Kismaayo 7 July 2021. Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

 

Kismaayo(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaadhay maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul gobolleedka Jubaland.

Ra’iisal Wasaare Rooble, waxa si diiran ugu soo dhaweeyey halkaa Madaxweynaha Jubalanad, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ee Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalka Ra’iisal Wasaaruhu ku tegey Jubaland ay qayb ka tahay hirgelinta arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa ujeedada safarka xilligan ee ra’iisal wasaaraha lagu macneeyay arrimaha  dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta.

Waxaana la filayaa sida lagu xusay qoraalka in uu dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubaland si loogu adeego shacabka.

Ra’iisal Wasaare Rooble, waa booqashadii u horaysay ee uu ku tago Maamul Gobolleedka Jubaland ee Kismaayo, tan iyo markii xilka loo magcabay  September 2020.

 

Mr. Rooble, ayaa ka mahadceliyey madaxda iyo shacabka Jubaland ee soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in uu madaxda Jubaland kala xaajoon doona dhammaystirka dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee Madaxweyne Farmaajo u xil saaray.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post