X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Khayre Oo Gaadhay Dalka Norway Iyo Ujeedada Safarkiisa

Araweelo News Network

Oslo(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto oo lagaga hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hay’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger oo ah sarkaalka u qaabilsan Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaa.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirka Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’addaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post