X
    Categories: Warar

Ra’iisal-wasaaraha Muqdisho oo ka soo Horjeedsaday Go’aan ka soo Baxay Guddida Doorashooshinka Dadban ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Ra’iisal-wasaaraha maamulka Muqdisho Mr. Cumar Cabdi Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in go’aan ka gaaadhista goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaannada Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay tahay mid u taal Dowladda Soomaaliya.
Sidaana waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed uu ka soo saaray Muqdisho, kaasoo u qornaa sidan; “Guddiga Doorashadda dad-ban waxa looga bahan yahay uun in ay wada-tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2-da Gobol Hiiraan iyo Shebellaha Dhexe Odayaasha 135, dabadeedna, dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natijada ka soo baxda wada-tashiga ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee goballadaas.
“Go’aan ka gaadhista goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanada Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa mid u taal Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
“Waxaan u mahadcelinaya oo aan bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016, hayeeshee waxaan rabaa in aan faro oo aan u caddeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan go’anadii lagu gaadhay Madasha hoggaamiyaasha Qaranka oo lagu caddeeyey in go’aan ka gaadhista goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ahayd mid u taal Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada-tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira gobolada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe 135 oday, uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan, isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijada ka soo baxda wada-tashigaas sidii hore loogu heshiiyey.
Dhinaca kale, doorasho-la-moodka la qorsheeyey inay ka qabsoomaan Soomaaliya, ayaa muddo bil ah dib uga dhacday waqtigii loo muddeeyey, iyadoo doorashada xubnaha baarlamaanka la bilaabi doono 23 October, halka Madaxweynahana la xulan doono 30 November 2016.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post