X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Israel Netanyahu Oo Shacbiga Dalka Iran U Diray Fariin Ammaan Dhagaraysan Ah

Araweelo News Network

File photo shows Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu. (Via AFP)

Tel Aviv(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu ayaa shacbiga Dalka Iran ee sida weyn ay isu hayaan u diray Fariin Ammaan dhagaraysan ah, taas oo uu ku baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo shacbiga dalkaa, Isla markaana hoggaamiyayaashooda ku tilmaamaya kuwo musuq-maasuq Iyo collaad u tafa xaydan

Benjamin Netanyahu, isaga oo isku dayaya inuu soo nooleeyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee dadka Iran, balse sidoo kale dhalleeceynaya hoggaamiyayaasha dalkaa oo isku deyaya inuu kala xado, wuxuu muuqaa ka kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Israel, ku sheegay in dadka Iran ay ka mid yihiin “Kuwa ugu hibada iyo guusha badan” dunida.

Waxa uu tusaale usoo qaatay shirkado waa weyn oo Mareykan ah oo ay aas-aaseen, islamarkaana ay hoggaamiyaan dad kasoo jeeda dhalasho ahaan Dalka Iran, shirkadahaa oo ay ka mid yihiin Uber, eBay iyo Dropbox, wuxuuna muuqaalkaa ku sheegay inuu is-weydiiyey “Maxay Iran u tahay wuxuu ku tilmaamay faqri, iyadoo  dadkeedu ay sidan u aqoon badan yihiin”

Wuxuuna taa Jawaabteeda ku sheegay inay tahay laba eray, isagoo yidhi,  Netanyahu “Waa taliska, Wuxuuna ku tilmaamay hoggaamiyayaasha Iran kuwo Kali-taliyayaal ah Iran oo xaday hantidii waddanka, waxayna ballaayiin dollar u weeciyeen barnaamijkooda nuclear-ka, si ay argagax ugu baahiyaan dunida iyo daan-daansigooda bariga dhexe” ayuu yidhi, Netanyahu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post