X
    Categories: Warar

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo Horjoogsaday Waddo loo Bixin lahaa Hoggaamiyihii Falastiiniyiinta Yasser Arafat

Araweelo News Network

FILE – In this May 31, 2002 file photo photo Palestinian leader Yasser Arafat pauses during the weekly Muslim Friday prayers in his headquarters in the West Bank city of Ramallah. Yasser Arafat’s body may be exhumed to allow for more testing of the causes of his death, the Palestinian president said Wednesday, July 4, 2012, after a Swiss lab said it found elevated levels of a radioactive isotope in belongings the Palestinian leader is said to have used in his final days. (AP Photo/Lefteris Pitarakis, File)

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Mr. Netanyahu, ayaa sheegay aannu oggolaanayn in magaca Madaxweynihii hore ee Falastiin marxuum Yasser Arafat loo bixiyo waddo ku taal magaalo dad Carab ah degaan oo Israa’iil ku dhex taal.
Dadka magaalada Jatt oo dhawaan u debbaal-degay waddo cusub oo ay u bixiyeen Yasser Arafat si ay ugu sharfaan hoggaamintiisii Falastiin, ayaa loo arkay inay yihiin geesiyaal oo ka soo dhex baxay Falastiiniyiinta iyo Carabta u dhashay Israa’iil.
Carabta asal ahaan Falastiiniyiinta ah ee ku noolaa gudaha Israa’iil tan iyo sannadkii 1948 oo ah waqtigii dawladda Yuhuudda la yagleelay, waxa ay bulshada dalkaas oo tiradooda guud dhan tahay siddeed milyan oo qof ka noqonayaan 17.5%.
Magaalada Jatt oo ku taal woqooyiga Israa’iil, waxa ku nool 11,000 qof, waxa uu Ra’iisal-wasaare Netenyahu oo ka hadlay kulan golihiisu wasiirradu yeesheen maalintii Axadda yidhi; “Ma jirayso waddo qaranka Israa’iil ah oo loo magacaabayo dadkii laayey Yuhuudda. Ma oggolaan karayno waddo qaranka Israa’iil ah oo loo bixiyo Yasser Arafat iyo Xaaji Amin al-Husseini iyo kuwo kale oo la mid ah. Waxa aannu soo diyaarin doonnaa sharci cusub haddii loo baahda si aanay arrintan u dhicin.”
Husseini waxa uu ahaa nin u dagaallami jiray xorriyadda Falastiin oo loo aqoonsaday inuu yahay Muftiga Qudus sannidihii 1920aadkii ilaa 1930aadkii, waxaannu inta badan samayn jiray kulamo uu aad ugaga soo horjeeday Yuhuudda, isagoo hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitler la yeeshay shirar badan oo arrintaas u saabsan.
Maayirka magaalada Jatt Mr. Mohammed Taher Wattab, ayaa difaacay waddada loo bixiyey Yasser Arafat mar uu ka hadlayey idaacadda ciidanka Israa’iil.
“Yasser Arafat waxa uu saxeexay heshiiskii nabadda ee Israa’iil, waana ceeb in Ra’iisal-wasaaruhu waqtigiisa ku lumiyo magaca waddada tuulo yar oo taayada oo kale ah, waxaanuna raaci doonnaa sharciga iyo waliba talo sharci aannu samayn doonno,” ayuu yidhi Mohammed Taher.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post