X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Oo Ku Dhawaaqay Xubnaha Golaha Wasiirrada Ee Xukuumaddiisa Oo Sawir Ka Bixisay Mustaqbalka Dalkaa

Dr. Abiy Ahmed

 

Addis Ababa (ANN)-Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Abiy Ahmed, ayaa magacaabay gole Wasiirro ah oo si xooggan u soo jiitay indhaca caalamka, kadib markii uu xubnaha Wasiirrada ah si isle’eg ugu qaybiyey ragga iyo dumarka Ethiopia.

Golaha Wasiirrada uu magacaabay Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed, isla markaana uu baarlamaanka Ethiopia si buuxda u ansixiyey, waxa ay ka kooban yihiin 20 xubnood oo isugu jira 10 wasiir oo rag ah iyo 10 wasiirro dumar ah.

Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia, waxa uu yareeyey tirada Golaha Wasiirrada oo hore u ahaa 28 xubnood, iyadoo ay magacaabistan ku cusub tahay haweenay loo dhiibay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, taasoo ah markii u horaysay taariikhda Ethiopia ee wasaaradaas loo dhiibo qof dumar ah.

Liiska Golaha Wasiirrada Ethiopia oo dhammaystiran waxay u dhigan yihiin sidan;

1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga waxa noqotay marwo Eng. Ayesha Mohamed
2. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Ergoge Tesfaye-
3. Wasiirka Waxbarashada Dr. Telaye Gete
4. Marwo Dagmawit Moges oo noqotay Wasiirka Gaadiidka
5. Mudane Ahmed Shide oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda
6. Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Dr. Samuel Horka
7. Marwo Muferiat Kamil oo noqotay Wasiirka Nabadda (waa Wasaarad cusub oo la soo kordhiyey)
8. Wasiirka Beeraha Mr. Oumer Hussen
9. Marwo Adanech Abebe oo noqotay Wasiirka Dakhliga
10. Wasiirka Tignoolojiyadda iyo Hal-abuurka Eng. Getahun Mekuria (Waa Wasaarad cusub oo la soo kordhiyey)
11. Wasiirka Dhismaha iyo Horumarinta Magaalooyinka Mr. Jantrar Abaye
12. Marwo Drs. Hirut woldemariam oo noqotay Wasiirka Sayniska iyo Tacliinta Sare (Wasaarad cusub)
13. Marwo Yalemtsgaye Asefaw oo noqotay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada
14. Marwo Drs. Hirut kassaw oo noqotay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
15. Marwo Fetlework Gebre-Egzihaber oo noqotay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga
16. Madaxa Komishanka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum Assefa
17. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Workneh Gebeyehu
18. Wasiirka Korontada iyo Waraabka Beeraha Dr. Shileshi Bekele
19. Wasiirka Caafimaadka Dr. Amir Aman
20. Xeer-ilaaliyaha Guud oo darajadiisu tahay heer Wasiirnimo Mr. Birhanu Tsegaye
Saxaafadda caalamka, ayaa si xooggan uga hadashay magaacista Golaha Wasiirrada Itoobiya, waxayna si gaar ah u soo qaateen in 50% ay xubnaha Wasiirradu yihiin haween.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post