X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Oo Ka Hadlay Soomaali Lagu Xasuuqay Deegaanka Kililka Oromada Ee Ethiopia

Araweelo News Network

Hailemariam Desalegn

Adis Ababa(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay xiisada iyo rabashadaha soo noq noqday ee ka dhacay dalkaa oo u dhexeeya labada Kilil ee qowmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada oo sababay dhismasho Iyo dhaawac.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam oo ka hadlay TV-ga dalkaasi oo hadlayay dadkii ugu danbeeyay ee Soomaliida ahaa ee lagu laayay colaada u dhaxaysa labada dhinac, ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero Boolis dhexdeeda”.

Mr. Hailemariam, wuxuu ka tacsiyeey dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Ethiopia, balse ma Sheegin tirada dadka lagu laayay xerada Booliska.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan Wararka laga heleyo deegaanka, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, walaw aanu Ra’iisal wasaarahu xusin tirada rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobtaa, wuxuuna dhacdadaa ku tilmaamay “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”, kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baadhaan,  ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn,

Labada Qowmiyadood deegaanka ay wadaagaan, waxa ka taagan cabsi badan oo u dhaxaysa labada  qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Ethiopia oo marar badan dhibaatooyin dagaal iyo Collaad sababtay xasuuq badan dhexmaray.

Dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa hore ciidamo u geysay deegaankaa dhibaatooyinku kusoo noq noqdeen, balse arrimahaasi xaalada waxba kama bedelin, waxaana xiligan la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshadaha Iyo dagaaladu  ka  dheceen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post