X
    Categories: Warar

Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Hadlay Dariiqa Somaliland U Mari Karto Qaddiyadda Aqoonsiga

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegne oo saxaafada si wada jir ah ula hadlay

Addis Ababa(ANN)- Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Md. Hailemariam Desalegn, ayaa shaaciyey in su’aasha la xidhiidha qaddiyadda siyaasadeed ee Somaliland loo mari doono nidaamka iyo mabaadii’da guud ee u yaal Urur-goboleedka IGAD iyo Midawga Afrika.

Sida lagu baahiyey wargeyska The Ethiopian Herald , Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi maalintii Isniinta, ayaa in dawladda Ethiopia cillaaqaad xooggan la leedahay Somaliland, balse waxa uu xusay in arrimaha siyaasiga ah ee khuseeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ay yihiin qaar u yaal inay go’aan ka gaadhaan Urur-goboleedka IGAD (Inter Governmental Association for Development) iyo Midawga Afrika.

Waxa kaloo uu Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia tilmaamay inay dawladdiisa ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada iyo xasiloonida ka hano-qaaday dalka Somaliland.

“Ethiopia waxa ay si aan gabasho lahayn uga shaqaynaysaa sidii loo tirtiri lahaa Ururka Al-shabaab, waana cadaw guud oo aannu wada leenahay,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaruhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaannu ka wadahadalnay arrimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaannu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada Itoobiya. Waxa kaloo aannu ka wadahadalnay in aanu Somaliland ka wada shaqayno horumarinta marshuuca dhismaha jidka Isku xidhaya Itoobiya iyo Berbera (Berbera Corridor), iyadoo annaga (Itoobiya) iyo saaxiibadayadu sii wadno horumarinta marshuuca, si ay uga wada faa’iidaystaan labada waddan.”

Ra’iisal-wasaaraha, ayaa sidoo kale sheegay in dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ay si buuxda uga wadashayn doonaan sidii looga ay uga wada faa’iidaysan lahaayeen horumarka la doonayo in lagu sameeyo dekedda Berbera iyo dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Addis Ababa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post