X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Djibouti Oo Qaabilay Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Djibouti(ANN)- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Djibouti, ayaa maanta la kulmay Ra’iisal wasaaraha Djibouti Abdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ku weheliyaan wasiirada khayraadka Biyaha iyo waliba ciyaaraha ee dawlada Djibouti.

Kulankani oo nuxur kiisu daaranaa sidii labada dal waa Jamuuriyada Somaliland Iyo Jamuuriyada Djibouti ay uga wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kulan saacado qaatay ay ku wada shireen xafiiska Ra’iisal wasaaraha Jamuuriyadda Djibouti Abdiqaadir Kaamil Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Djibouti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post