X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Booqday Garoowe Iyo Ujeedada Safarkiisa

Araweelo News Network

Khayre oo booqday Garoowe

Garoowe(AN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamul Gobaleedka Soomaaliya ee Puntland.

Khayrd oo booqday Garoowe

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Nerwork, wuxuuna qoraalkaa oo ahaa mid kooban u qornaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maaamul Gobaleedka Puntland, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa xubno kamid ah baarlamaanka iyo golaha wasiirrada Puntiland iyo kummannaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana intaa kadib Ra’iisal wasaaraha iyo wefdiga la socday loo galbiyay barxadda Garoowe oo uu kula hadlay kummannaan ruux oo isugu soo baxay soo dhawayntiisa.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda iyo bulshada dawlad gobaleedka Puntland ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyay isaga oo ku ammaanay doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin nabadeynta, midaynta iyo horumarinta deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa maalmaha uu ku suganyahay Puntland waxa uu ka qayb gelayaa Munaasabadda 20 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska maamulka Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan” ayaa lagu qoraal saxaafadeedka kasoo baxayXafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhinaca kale Warar dheeraad ah oo shebekadda Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Khayre wado qorshe la doonayo in Ciidamadda dhowaan dawladda Turkigu u tababartay Soomaaliya la geeyo Garoowe, iyadoo malayshiyaadka ku sugan Garoowe lagu xeraynayo xeryo tababar oo dawladdaha Turkiga iyo Qadar hawshooda la wareegayaan.

 

Qorshahaa oo qayb ka ah tababaradii dhanka ciidamadda ee dawladda Turkigu hore uga waday Soomaaliya oo xiligan lagu  ballaadhinayo maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo hore uga caga jiiday in ay keenaan Saamiyada laga siiyay, balse shirkii dhowaan ka dhacay Baydhabo ee lagaga hadlayay Arrimaha amniga oo ka wada qaybgaleen maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa lagu heshiiyay in la dhamaystiro malayshiyaadka laga doonayay maamul giboleed walba si dawladda Turkigu u sii wado qorshaha ay ku doonayay in Soomaaliya loo sameeyo ciidamo, taas oo xiligan dawladda Turkiga ay ku weheliso dawladda Qadar oo labadooduba kasoo horjeedaa xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ku loolamaya  mandaqada Geeska Afrika Iyo geyiga Soomaalida.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post