X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Ethiopia Oo Socdaal Ku Tegey Magaalada Jigjiga Ee Ismaamulka Soomaalida Iyo Ujeedadda Booqashadiisa

Araweelo Newes Network

Ra’iisal wasaraha cusub Dr Abay Iyo Madaxweynaha Kililka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud oo Jigjiga kusoo dhoweeyay

Jigjiga(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, ayaa booqasho ku tegey maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shanaad.

Booqashadiisa, ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay socdaal uu ku marayo dawlad deegaanada dalka Ethiopia uu ka kooban yahay, waxaana lagu wadaa in Dr Abiy uu kullamo la yeesho madaxda Maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia ee xaruntiisu tahay jigjiga.

Sidoo kale, waxa la filayaa inuu khubad u jeediyo shacabka deegaanka Soomaalida Ethiopia, Isla markaana Ra’iisal wasaaraha, ayaa socdaal ku mari doono sagaalka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Ethiopia, wuxuuna booqashadiisa ahmiyad gaar ah siiyay gobolka Soomaalida oo muddooyinkii dambeeyay ay isku dhacyo kala dhaxeyeen qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo ra’iisal wasaaraha Ethiopia.

Ra’iisal wasaraha cusub Dr Abay Iyo Madaxweynaha Kililka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud oo Jigjiga kusoo dhoweeyay

Ra’iisal wasaare Abiy, wax socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ee Ethiopia, waxaana la filayaa kulanka madaxda gobolka ka sokow inay la kulmaan Odayaasha dhaqanka ee Soomaalida Ethiopia ee Kililka shanaad, kuwaas oo la filayo inay ka wadahadlaan xasiiloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Dr Abiy Ahmed, ayaa loo doortay Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, kadib markii uu iscasilay Ra’iisal wasaarihi hore Haile Mariam Desalegn oo culeys badan kala kulmayay dibadbaxyada lagaga soo horjeedo dowladda oo Isa soo tarayay tan iyo 2015′, kuwaas oo inta baddan ka socday Ismaamulka Qowmiyada Oromia ee Kililka Afraad ee Ethiopia, Isla markaana galaaftay nolosha boqolaal qof oo u baddan Qowmiyada Oromia.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post