X
    Categories: Warar

Ra’iisal-wasaaraha Britain Oo Digniin U Dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Donald Trump

Araweelo News Network

Mrs. Theresa May

London (ANN) Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May, ayaa iftiimisay inay la dagaalami doonto Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka Donald Trump haddii uu ka dhabeeyo inuu waddankiisa u diido inay galaan Muslimiinta UK.
Madaxweynaha cusub ee loo doortay Maraykanka Donald Trump, ayaa ololihii uu ku galay doorashada ku ballanqaaday inuu dalka ka joojin inay soo galaan Muslimiinta oo uu ku eedeeyey inay masuul ka yihiin dambiyada xagjirnimada.
Haddaba, uu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska haweenayda la yidhaa Theresa May oo su’aalo lagu waydiiyey Baarlamanka dalkeeda shalay, ayaa ballanqaaday inay wax walba ka horumarin doonto ilaalinta sharafta muwaadiniinta dalkeeda.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka UK ayaa waydiiyey Ra’iisal-wasaarihii inay ka soo horjeedsanayso Donald Trump ixtiraamka sharafta guud ahaan muwaadiniinta UK dartood, waxaanay Ra’iisal-wasaaruhu ku jawaabtay, “Xidhiidhka gaarka ah ee aannu la leenahay Maraykanka waa mid muhiim ah, waxaan filayaa inuu muhiim u yahay labada dalba ee Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska. Waanu sii wadi doonaa in aannu sii dhisno xidhiidhkaasi gaarka ah, arrintaasi waxay ahayd mid cad wadahadalkii aan la yeeshay Madaxweynaha cusub Trump waxyar kadib markii la doortay.
Hase ahaatee, dabcan waxaan doonayaa in aannu xaqiijino sharafta muwaadiniintayada, iyagaga ayey khusaysaa Maraykanka shuruucda ay doonayaan inay u hirgeliyaan soo galista xuduudahooda, laakiin waanu sii xaqiijinaynaa inuu sii socda xidhiidhka gaarka ah ee labada waddan iyo inay sii socdaan danaha ka dhexeeya Ingiriiska iyo Maraykanka,” ayey Ra’iisal-wasaaraha Ingiriisku.
Weli ma cadda in Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump uu ka dhabayn doono siyaasadihiisa muranka badan dhaliyey ee uu ku galay ololihii doorashadii uu ku guulaystay toddobaadkii hore, kuwaas oo ay ka mid ahayd inuu dalka u diidi doono Muslimiintu inay soo galaan, inkastoo arrintaasi hadda laga saaray shabakaddii internetka (website) ee uu Trump ku baahin jiray ololihiisa.
Dhawaaqa Donald Trump ka soo yeedhay ee la xidhiidha nacaybka Muslimka waxa ka dhacay cadho badan oo laga muujiyey dunida Muslimka iyo waddamada ay ku noolyihiin Muslimka.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post