X

Ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson Oo Ka Hadlay Masiibada Suuqa Waaheen Ee Somaliland

Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale (Cabdirashiid Dahabshiil) oo ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group, oo la kulmay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson. Araweelo News Network.

Britain waxay banaqaaday Doorka ay ka qaadanay masiibada suuqa gubtay ee Waaheen

Araweelo News Network.

RBoris Johnson

London(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa ka hadlay masiibada dabka Suuqa Waaheen ee  caadimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Ra’iisal wasaare Johnson iyo mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee dawladda Britain, ayaa si murruga leh uga hadlay masiibada dabkaa oo galaaftay hanti gaadhysa balaayiin oo ood iyo noolba leh.

Ra’iisal-wasaare Boris Johnson iyo masuuliyiinta kale ee Britain, waxay masiibadaa kaga hdleen Farriimo ay ku qoreen baraha bulshada ee Twitter, waxayna ku sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada dhacday iyo saamaynta dhaqaale ee ay keeni karto.

Masuuliyiinta Britain, waxay sheegeen inay murrugada la qaybsanayaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markanaa kala shaqayn doonaan dawladda gurmadka masiibadaa.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg gaadhsiiyey suuqa furan ee halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyey ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys badan.” Ayuu ku yidhi, qoraalka ra’iisal wasaare Johnson.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Magaaladaadu mar kale ayay kici doonto, “UK waxay samayn doontaa wixii aan kari karno si aan u taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland” ayuu yidhi Raysal Wasaare Boris Johnson.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post