Britain waxay banaqaaday Doorka ay ka qaadanay masiibada suuqa gubtay ee Waaheen
Araweelo News Network.
London(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa ka hadlay masiibada dabka Suuqa Waaheen ee caadimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Ra’iisal wasaare Johnson iyo mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee dawladda Britain, ayaa si murruga leh uga hadlay masiibada dabkaa oo galaaftay hanti gaadhysa balaayiin oo ood iyo noolba leh.
Ra’iisal-wasaare Boris Johnson iyo masuuliyiinta kale ee Britain, waxay masiibadaa kaga hdleen Farriimo ay ku qoreen baraha bulshada ee Twitter, waxayna ku sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada dhacday iyo saamaynta dhaqaale ee ay keeni karto.
Masuuliyiinta Britain, waxay sheegeen inay murrugada la qaybsanayaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markanaa kala shaqayn doonaan dawladda gurmadka masiibadaa.
“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg gaadhsiiyey suuqa furan ee halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyey ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys badan.” Ayuu ku yidhi, qoraalka ra’iisal wasaare Johnson.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Magaaladaadu mar kale ayay kici doonto, “UK waxay samayn doontaa wixii aan kari karno si aan u taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland” ayuu yidhi Raysal Wasaare Boris Johnson.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com